Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, August 31, 2011

Culimo Lagu Xidhay Magaalooyinka Wardheer iyo Jigjiga


Madaxwayne Abdi M Cumar

Sida ay shegayaan wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Wardheer iyo Jigjiga, waxaa shalay oo taariikhdu ayahayd August 30,2011, si sharci darro ah xabsiga loogu taxaabay dad farabadan oo isugu jira culumo iyo odayaal.


Ibrahin Dheer (Madaxa Al-Itixaad)
Sababta xadhiggan xaqdarada ah keentay ayaa lagu sheegay inay culimadu diideen in la ciido maalintii bisha soon ugu dambaysay maadaama aan bishii shawaal laga arag deegaanada ay deggen yihiin sida shareecada Islaamku  qabto (Suumuu biru’ya, wafdhiruu biru’ya)

Xadhigan iyo kuwa hore oo culimada lala beegsanayo ayaa dad badan oo deegaanka deggen u arkaan inuu ka dambeeyo ninka lagu magacaabo Ibraahin Dheere ee madaxa u ah ururka UWSFL oo ah ururkii Al-itixaad oo magaca beddeshay.

Sheekh ka mid ah culimada sida weyn looga ixtiraamo deegaanka Soomalida oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin, ayaa u xaqiijiyey Dalkayaga News Online, inuu jiro dagaal ka dhan ah culimada diinta maadaama ay ka digaan caqiidada Al-itixaadka iyo Khawaarijta ee faasiddada aha.
Abdi Illeey iyo Ibrahin Dheere

Waxaa sidoo kale ay noo xaqijiyeen siyaasiin ka mid ah maamulka Abdi Maxamud Cumar inuu jiro walaac weyn oo ay ka qabaan sida ay isugu milmayaan arurka Al-itixaad iyo maamuulka Abdi Maxamud Cumar maadaama uu maamulku fuliyo awaamirta ka dhanka ah culimada ee kasoo baxa uruka Al-itixaad ama UWSLF. Shakigan ayaa caddaaday ka dib markii shalay oo Talaado ahayd taariikhduna ahayd  August 30, 2011, uu guddoomiyaha gobolka Wardheer oo ciidamo wata uu kala soo baxay 13 ka mid ah culimada waaweyn ee gobalka xabsigana u taxaabay isagoo ku eedeeye oo kaliya inay soomaanayeen.  

Xadhiggan isdaba joogga ah ee lagu hayo culimada deegaanka ayaa isa soo taraya maadaama uu maamulkii Abdi Maxamud Cumar noqday mid si ulakac ah uga adeega danaha ururka Al-itixaad.

Ugu dambayntii, dawladda federaalka oo indhawayd isha ku haysay dhibaatooyinka lagula kaco culimada dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya ayaa qaadday tallaabadii ugu horaysay ee ay arinkan wax kaga qabaynayso ka dib markii uu Prime Minister Meles Zenewi amar kusiiyey Madaxwaynaha deegaanka Abdi AMxamud Cumar inuu soo galo Addisabab si uu uga jawaabo su’aalaha ku saabsan xiriirka  ka dhaxeeya isaga iyo ururka UWSLF ama Al-itixaad.

Wixii war ah eek u saabsan arintan, fadlan kala soco qoraalada dambe.

Dalkayaga News Online
Dalkayaga@gmail.com

1 comments:

  • Anonymous says:
    September 1, 2011 at 2:36 PM

    Warkan wuxuu xambaarsan yahay dhiillo weyn. Kol haddii la ugaadhsanayo culimo aw diinkii, gobolka. Waxa ay Al-itaxaad muslimka ku dhigtay waa la arkay oo wsa jeefal, qoorgoyn, qabri fagasho, iyo dumarma tacaddiyo loo gaysto.

    Illaahay ha inaga qabto ALITIXAAD

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News