Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, July 23, 2011

Xildhibaan Barre Hiiraale oo laga sii daayay Xabsi uu muddo saddex bilood ku xirnaa

July 23, 2011 Dalkayaga@gmail.com
__________________________________
Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib muddo saddex bilood oo u xirnaa Dowladda Itoobiya.


Sida uu saxaafada u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil waxaa uu sheegay in Xildhibaanka la sii daayay, isla markaana Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ay soo dhoweeyeen degmada Beledxaawo.

Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa ku xirnaa deegaanka Doolow, halkaas oo khilaaf soo kala dhex galay Saraakiisha Itoobiya loogu xiray.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa horay uga hadlay xariga Xildhibaanka oo ku tilmaamay mid sharci daro ah, hase ahaatee dadaalo ay wadeen Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii hore ayay ku guuleysteen inay soo daayaan Xildhibaanka.

Wasiirkii hore Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi oo dhowaan booqasho ku tagay Itoobiya ayaa kala hadlay Saraakiisha Dowladda sii deynta ragga u xirnaa, waxaana markii dambe oo uu soo gaaray deegaanka Doolow uu sii daayay ilaa 13-saraakiil ka tirsanaa Maamulada Dowladda ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo.

Dagaalka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna ka wadaan Gobolka Gedo ayaa Dowladda Itoobiya ay ka ciyaareysaa kaalin weyn, iyadoo ay jireen Ciidamo fara badan oo lagu soo tababaray dhanka Itoobiya oo dagaalada hada la wado ka qeyb qaadanayay.




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News