Sunday, July 17, 2011

Shariif Xassan iyo Sh. Shirif oo muran dheer kadib isu tanasulay-Wasiiro

July 17, 2011  Dalkayaga@gmail.com___________________________________________
Shir albaabadda u xirnaa oo galabta ilaa Caawa u socday Madaxda Dowladda Federalka ayaa is afgarad ku dhamaaday sida ay xaqiijiyeen labada dhinac ee Villa Somalia kadib markii uu Ra'isulwasarre Gaas ka dhawaajiyay inuu is casilaa hadii ay isu tanasuli waayaan Labada nin, waa Sheik Sirif ans Shariif Xassan.



Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif xasan ayaa aqbalay inuu ka tanasulo Wasaaradihii uu ku dheganaa sida Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha,waxaana loo ogolaaday in Cabdixakiin Faqi sii ahaado Wasiirka Gaashaandhiga ,sidoo kalena Taliyaha nabadsugida loo magacaabo cidii uu jecel yahay.


Shariif Xassan iyo Sh. Shirif ayaa isku mari waayay cidda loo magacaabi lahaa Wasiirka Maaliyadda iyo arrimaha gudaha hasse yeeshee Ra’isulwasarre Gaas ayaa Malaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ka codsaday inay u dhaafaan xulashada Wasiirka Maaliyadda si loo helo nin dhinaca dhaqaalaha kala shaqeeyn kara.


Ra’isulwasarre Gaas ayaa la sheegay inuu Wasiirka Maaliyadda la caashaqay nin u dhashay beesha Mareexaan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Gardajeex kaas oo ay mudo wada deganaayeen dalka Mareykanka.halka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga la isla gartay in Abdullahi Macalin Maxamud ama Cabdisamad Macalin Maxamud mid loo magacaabo


Axada Maanta ayaa lagu wadaa in Golaha Wasiiradda uu si rasmiya ugu dhawaaqo Ra’isulwasarre Gaas waxaana golaha ku soo laaban doono Wasiirka Warfaafinta Cabdi Kariim Jaamac iyo Wasiirka Tacliinta iyo Waxbarashadda Cabdi Nuur.

Source: WCM






0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News