Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, July 20, 2011

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Aqriso Magacyada iyo qabiiladooda)

Isqabqabsi badan ka dib, maanta ayuu PM Abdiweli neefta kasoo boodday islamarkiibana ku dhawaaqay dawladdiisa:

1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille)Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta,Dir Biyo maal,waa xisbiga Al Itixaad



2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda,Raxanweyn ,Digil,Dabare.

3- Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga,Isaaq Garxajis Ciidda gale Reer Iidle.

4- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.Waa Daarood,Ogaadeen ,Coowl yahan.
5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.Waa Hawiye Habargidir, Ceyr.

6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.Daarood,Mareexaan ,reer Siyaad.

7- Marwo Caasho Cismaan Caaqiil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska,waxay u dhalatay Jareerweyne,Shiidle.

8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha,Waa Raxanweyn,Mirifle,Leesaan.

9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka,Dir Faqi Muxumud.

10- Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta,Waa Hawiye Murusade.

11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga,Waa Isaaq Habar Awal.hooyadii waa Raxanweyn,waxaa u abtiyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda

13- Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Cirka, Dhulka, Badda & Dekadaha-wuxuu u dhashay Raxanweyn,Mirifle,Hadamo.

14- Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta,Waa Daarood,Leelkase.

15- Mudane Jaylaani Nuur Iikar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska,Waa Reer Xamar reer Suufi.

16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka,Waa Hawiye Gaal jecel.

17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.Waa Daarood Dhulbahante.

18- Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta & Iskaashiga Caalamiga.Hawiye,Xawaadle,Agoon,wuxuu la saaxiib yahay PM Cabdi Wali Gaas.(American Somali)

WCM

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News