Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, July 17, 2011

Sh. Shiriif iyo wasiiro ka tirsan dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney lunsadeen Adduun kor u dhaafaya konton milyan oo Dollar

July 17, 2011  Dalkayaga@gmail.com_____________________________________
Madaxweeynaha dowlada Soomalia Shiriif Shiikh Axmed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee xukuumadii Raisul wasaar Farmaajo ayaa waxaa lagu eedeeynayaaa iney lunsadeen lacag ka badan 50 milyan oo dollar ka dib warbixin uu soo saaray Golaha Atlantikada dalka Maraykanka oo laga hor aqriyey Aqalka wakiilada ee isla dalka Maraykanka.


Golaha ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in malaxweyne Shiriif iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia oo aan la magacaabin ay lunsadeen dhaqaale ka badan $75,000,000 (Todobaatan iyo shan milyan oo Dollar taasoo goluhu sheegay iny aheyd lacag dowladu Maraykanku ay ku taageeertay dowlada Somalia.


“Markiin lacagtaasi la bixitey qeyb ka mid ah oo gaareysa ku dhowaad $25 milyan oo oo dolar waa lagu xisaabtamay halka ay ku baxday, waxaana si fudud loo xaday meel ay ka baxdayna aan la ogeyn lacag kor u dhaafaysa 50-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah oo ka mid aheyd lacagtaasi, waxaana socda baaritaan ku aadan lacagtaasi oo ku saabsan halka ay ku dambeysay oo laga wado xafiiska madaxweynaha iyo kan raisul wasaaraha Soomaaliya” ayaa lagu yiri warbixintaas.


Golaha Atlantikada dalka Maraykanka ayaa sheegay in lacagtaasi la bixiyey intii u dhexeysay sanadihii 2009 iyo 2010 ayna jiraan qoraalo cadeynaya in lacagtaasi la xaday oo uu hayo golaha, iyadoo dhinaca kale uusan jirin war jawaab u ah eedeeyntaasi oo ka soo baxay madaxweynaha iyo xubnaha la eedeeyey ee aan la magacaabin.




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News