Saturday, July 23, 2011

80-ruux oo ku dhimatay qaraxii ruxay Oslo iyo weerar kale oo lagu qaaday goob lagu tamashleeyo+Sawirro

July 23, 2011  Dalkayaga@gmail.com______________________________








\
Booliska Norway ayaa sheegay in ugu yaraan 80-ruux ay ku dhinteen weeraro shalay ruxay dalka Norway, kadib qaraxyo lala beegsaday dhismayaal Dowladda ku leedahay bartamaha Caasimada Norway, iyo goob lagu tamashleeyo Jasiirad ku taal banaanka Norway oo dhalinyaro rasaas ooda loogu qaaday.

Nin lagu tuhmayo inuu falkaas ka dambeeyay ayay Booliska qabteen, kaasoo 32-jir ah, ninkan ayaa lagu qabtay Jaziirada Utoeya banaankeeda, waxaa uu xirnaa dareyska Ciidamada Booliska, rasaas aanu u meel dayin ayuu ku furay dhalinyarada ku sugneyd goob lagu tamashleeyo oo Xisbiga shaqaalaha ee talada dalka haya.

Ra'iisul Wasaaraha Norway Jens Stoltenberg oo xalay shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in weerarkan aanu bur burin doono dimoqraadiyadooda iyo Dowladnimada, isagoo ka dhawaajiyay inay tani sii xoogeyneyso dimoqraadiyada.

Ilaa iyo hada ninka ay qabteen Booliska faah faahin lagama haayo inuu ka tirsanaa Kooxaha mintidka iyo in kale.

Sidoo kale qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda oo la rumeysan yahay in baabuur loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay ilaa toban ruux, halka tiro kale ku dhaawacmeen, hase ahaatee Booliska ayaa sheegaya in weerarkii lagu qaaday goobta lagu tamashleeyo ee Jaziirada Utoeya oo ku sugneyd dhalinyaro da'dooda u dhaxeysa 15-20 ay aheyd halka qasaaraha ugu badan ka dhaceen.

Weerarkan ayaa ah kii ugu xumaa ee soo mara dalka Norway, Warbaahinta iyo jaraa'idyada Caalamiga ayaa hadal haya waxa ka dhacay Norway, oo lagu yaqaano inuu ahaa dal nabad ah.









Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharnews@gmail.com
jowharcom@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News