Friday, July 1, 2011

Dowladaha Uganda iyo Maraykanka oo ka wada hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya

Somaliweyn

July 1, 2011 Dalkayaga@gmail.com
--------------------------------------------------------------------------------
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa magaalada Molabo ee xarunta dalka Equatorial Guinea waxaa uu kulan kula qaatay kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka ee arrimaha Africa danjire Johnnie Carsons waxaana ay ka wada hadleen arrimo quseeya amaanka Soomaaliya.


Kulankaan oo ahaa mid gooni ah ayaa waxay wararku sheegayaan inay si gaar ah diirada u saareen xaalidihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya gaar ahaan amaanka.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni ayaa Maraykanka uga mahadnaqay taageerada ay siiso ciidamada Midawga Africa ee AMISOM iyo kaalmada ay siiyaan dawlada KMG ee Soomaaliya.

Danjire Johnnie Carsons ayaa sheegay in dawladaha Africa gaar ahaan wadamo ay Uganda ka mid tahay inay dadaal ugu jiraan in xal loo helo arrimaha murugsan ee Soomaaliya waxaana uu xusay inuu dawlada Uganda uu ku amaanayo sida ay ugu heelan tahay in Soomaaliya nabadi ka dhalato loogana adkaado kuwa dhibaatada wada sida uu hadalka u yiri.

Mr. Carsons ayaa tilmaamay in dawladiisu ay balan qaadayso inay sii wadayso taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM iyo dawlada KMG si gobolka nabad looga dhigo waxaana kulankaan goob jog ka ahaa safiirka dawlada Maraykanka u qaabilsan ururka Midwga Africa iyo wasiirka arrimaha dibadda Uganda.

Maraykanka ayaa dhawaan sheegay inuu agab Military ku taageerayo ciidamada AMISOM ee Muqdisho ka hawl gala.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News