Friday, July 1, 2011

Burcad badeed 18 sano oo xarig ah lagu xukumay

Bar-Kulan
July 1, 2011 Dalkayaga@gmail.com
--------------------------------------------------------------------------------
Maxkamad ku taalla jaziiradda Seychelles ayaa 18 sano oo xarig ah ku xukuntay 5 burcad badeed Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadeen maraakiib Faransiiska laga leeyahay oo marayay badweynta India.


Xaakimka sare ee Seychelles, Duncan Gaswaga, ayaa sheegay in raggan la xukumay lagu helay dabniga ah in ay hub fudud iyo boobeyaal ku weerareen labo doonyood oo kuwa kaluumeysiga ah, kuwaas oo laga lahaa wadanka Faransiiska, sidaasi waxaa shaacisay warbaahinta dalkaasi.

Weerarka ayaa dhacay 17-kii bishii November ee sanadkii tagay, waxaana burcadan gacanta ku dhigay ilaalada xeebaha ee Seychelles.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News