Friday, June 10, 2011

Xildhibaano ka soo horjeestay heshiiskii ka dhacay



June 10, 2011  Dalkayaga@gmail.com

Iyadoo qodobo ay ka soo baxeen heshiiskii Magaalada Kampala ee dalka Uganda ay ku gaareen madaxda dowladda KMG Soomaaliya ayaa xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya waxa ay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen madaxda dowladda kuwaasi oo ay sheegeen in uu ka hor imaanayo axdiga kumeel gaarka ah.


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya oo maanta wareysi gaar ah siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu dhaliilay qodobka 8 aad ee ka mid ah qodobada ay ku heshiiyeen madaxda dowladda kaasi oo tilmaamayay in madaxweynaha, gudoomiyaha Barlamanka iyo ku xigeenadiisa aan laga keeni karin wax muushin ah, wuxuuna sheegay in taasi ay ka hor imaneyso axdiga Barlamanka iyo Shuruucda u degsan dalka.

Xildhibaanka ayaa carabka ku dhuftay in barlamanka Soomaaliya uu xaq u leeyahay in uu la xisaabtamo cid kasta oo dambe ka gasha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana uu intaasi ku daray in sharciga uu ka sareeyo qof kasta.

Sidoo kale xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka oo isna maanta ka hadlayay kulan xildhibaano ka tirsan Barlamanka ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ugu horeyn kulankii maanta xildhibaanada ay isugu yimaadeen uu yahay mid ay uga xunyihiin qodobo badan oo uu sheegay in ay ka soo baxeen heshiiskii Kampala kuwaasi oo uu tilmaamay in ay jabinayaan Jaatarka ay ku dhisanyahay dowladda KMG.

Heshiiskii madaxda dowladda ay ku gaareen magaalada Kampala ayaa waxaa ka soo 10 baxay 10 qodob oo ay ka mid yihiin in mud hal sano ah loo kordhiyo DKMG iyo in doorashada dib loo dhigo mudo hal sano ah oo ay dhacdo ka hor bisha August ee 2012-ka taasi oo ka hor imaanysa go’aankii ay horay u gaareen barlamanka ee ahaa in doorashadu ay dhacdo ka hor bisha bisha August ee sanadkaan.

Shabeele.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News