Monday, June 6, 2011

Xaalada Magalada Laas-Caano Oo Laga Dayrinayo

Xaalada magaalada Laascaano ee gobolka Sool ayaa kacsan maamlmihii lasoo dhaafay kadib markii ay soo gaareen ciidamo farabadan oo kayimid dhinaca magaalada magaalada Hargaysa.kuwaas oo lagu tilmaamay in adkkeenayaan amaanka magaaladaasi oo dhoor jeer ay kadhaceen dilal qorshaysan oo lala beegsaday saraakiisha nabad -galyada iyo kuwa maamulka gobolka Sool.
 
Magaalada oo hada xaaladeedu ay tahay mid la ciiraysa ciidamo tuutaysan oo magaalada si weyn ubuux dhaafiyay ayaa hadana dhinaca kale cabsi weyn waxa ay soo foodsaartay dadka kunool magaaladaasi oo iyaga indhaha kuhaya waxa dhici doona .

Dhinaca kale xiriir aan lasameeyay mid kamid ah dadka ku nool magaalada laas-caano deegaan ahaana kasoo jeeda ayaa RBC Radio u sheegay in magaaladaasi ay kusuganyihiin tiro xubno wasiiro ah iyo sargaal ugu sareeya ciidamada asluubta oo kayimid dhinaca Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland , Waxaana imaatinkooda lagu sheeegay in ay tahay xuska 18 may ee ku ‘aadaeen maalintii Soomaaliland ay go’day Soomaaliya inteeda kale.
Magaalada Laascaano ee Gobolka Sool ayaa kacsaneed tan iyo waqtigii ay gacanta u gashay maamulka Soomaaliland sanadkii 2007. 

Waxaana magaaladaaasi intii ay gacanta ku hayeen Soomaaliland kadhacay qaraxyo dilal, qorshaysan, iyo weeraro lagu beegsanayay mas’uulyiinta maamulka Soomaaliland ee kusugan Gobolka Sool, ayadoona la’ogoonyahay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay magaaladaasi lagu dilay mas’uuliiin dhowr ah oo ay kujireen gadoomiyaal maxkamadeed iyo dad kale oo magac ku leh Gobolka Sool kana tirsan maamulkaasi.

Xigasho:RBC

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News