Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, June 16, 2011

Talyaaniga oo taageeray in Farmaajo uu sii ahaado R/wasaare


June 16, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Wasaarada arimaha dibada dowladda Talyaaniga ayaa soo dhaweysay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya uu sii ahaado Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.


Alfredo Mantica oo ah sargaal sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in loo baahanyahay in Ra’iisul Wasaaare Max’ed Cabdullaahi Farmaajo uu baaqi ku sii ahaado xafiiskiisa xili maalin ka hor Farmaajo uu sheegay in uusan baneyn doonin xafiiskiisa.

Mr. Alfredo Mantica sidoo kale ah xoghaye ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga oo la hadlay mid kamida ah warbaahinta dalkaasi oo lagu magacaabo La Repubblica ayaa shaaca ka qaaday in mudaaharaadyada ka socda Magaalada Muqdisho ee lagu taageereyo Ra’iisul wasaare Farmaajo loogana soo horjeedo in uu iscasilo ay yihiin kuwa muhiim ah maadaama shacabku ay rabitaankooda ku muujinayaan.

Mar wax laga weydiiyay Mr. Alfredo in Ra’iisul wasaare Farmajo uu yahay masuulkii ugu horeeyay oo hela taageero shacbiyadeed oo intaasi la ego mudo labaatan sano ah, ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya uu xafiiska hayo mudo ka yar 10 bil islamarkaana ay cadahay waxqabadkiisa isagoo ugu baaqay dadka cadaadiska saaraya in aysan ka hordhici waxqabadka Ra’iisul wasaaraha.

Mantica oo hadakiisa sii watta ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Farmajo uu ku talaabsaday horumar la taaban karo, balse waxa uu is waydiiyay waxa sababay in xiligaan la yiraahdo iscasil.

“Wali Somaliya waxa ka socda waa deganaansho la’aan… hasa ahaatee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu calaamad u yahay in daganaansho laga helo Soomaaliya, Beesha caalamka oo Talyaanigana uu ku jiro waxa ay ka qaati ka taaganyihiin muranka siyaasadeed ee hareeyay madaxda Somaliya” ayuu yiri Mr. Alfredo

Mar wax laga weydiiyay muda kororsiga baarlamaanka Soomaaliya oo ku darsaday sadex sano, ayaa waxa uu sheegay xoghayaha wasaarada arimaha dibada ee Talyaaniga in dowladiisa ay horay uga soo horjeesday go’aanka barlmaanka, hasa ahaatee waxa uu tilmaamay in ay si aad ah u soo dhaweynayaa in doorashoooyinka dib loo dhigo mudo hal sano ah.

Waxaa uu sheegay in Talyaaniga uu rumeysanyahay in heshiiskii kampala la horgeeyo golaha barlamanka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in Talyaaniga uu doonayo in madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo afhayeenka Barlamanka ay sii hayaan xilka mudo hal sano ah.

 
 
 
 
  Shabeele

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News