Friday, June 3, 2011

Taliyaha howlgalada gobolka Mudug oo qarax lagula eegtay Gaalkacyo

Qarax Miino ayaa saakay waxaa lala eegtay taliyaha howlgalada gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, iyadoo qaraxaasi uu ka badbaaday taliyaha.


Qarxaani oo ahaa mid xooggan ayaa saakay waxa lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyaha howlgalada gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) kaasi oo mararayay bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug gaar ahaan goob lagu magcaabo Cagaar wayne.

Wararka ay Idaacadda Shabelle ka helayso ayaa waxa sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa mid xooggan islamarkaana laga maqlay guud ahaan Magaalada, waxaana la tilmaaamay in qaraxaasi uu ahaa Miinada nuuca laga hago Rumuud kontorolka.

Taliyaha ayaa la sheegay in qaraxaasi uu ka badbaaday, waxaana wararku qaar ay sheegayaan in qaraxaasi uu dhaawacyo kasoo gaaray ilaa labo qof oo ka agdhawaa goobta uu qaxa ka dhacay.

Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) oo aan la xiriirnay ayaa waxaa uu sheegay in uu san ka hadlayn arimahaani hase ahaatee waxaa uu shaaca ka qaaday in saacadaha soo aadan uu Saxaafadda ka siindoono faah faahin ku saabsan qaraxa lagula eegtay bartamaaha Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxaani ayaa waxaa uu imaayaa iyadoo mudooyinkii dambe laga nastay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan oo loogaysanayo Mas’uuliyiinta Puntland iyo waxgaradka gobolkaasi, waxaana Madxda Puntland ay sheegeen inay ka hortagayaan cid waliba oo falal amaan dari ka wada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Source:Shabeele

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News