Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, June 12, 2011

Mareykanka oo soo dhaweeyay banaanbaxyada looga soo horjeedo iscasilaada Farmaajo.

June 12, 2011, Dalkayaga@gmail.com_________________________________________________________________________________
Wasaarada arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dawlada mareykanku soo dhaweyneyso dibadbaxyada lagu taageerayo R/wasaaraha xukuumada KMG ee soomaaliya Maxamed C/llahi Maxamed (Farmaajo) balse dawladu ay si taxdar leh ay arrintaasi u eegeyso.

Warkan ka soo baxay mareykanka waxaa lagu sheegay in dadweynaha soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay cabiraan ra’yigooda ku aadan xaalada siyaasadeed ee wadanka soomaaliya islamarkaana ay taageero u muujiyaan Maxamed C/llahi (Farmaajo) oo dadka banaanbaxyada ka dhigay dalka gudihiisa qaybo ka mid ah iyo meelo ka baxsan wadanka sida Kenya ay ku sheegeen mas’uulkii ugu horeeyay ee dawladihii KMG ee soomaaliya ee qabtay hawlo muhiim ah.

Dawlada Mareykanku waxa ay sidoo kale taageertay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada KMG ee soomaaliya oo dadka banaanbaxa dhigaya garab istaagay islmarkaan ammaankooda sugayay islamarkaana biyo u dhaamiyay sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

Taageerada dawlada mareykanka ee banaanbaxyada looga soo horjeeday iscasilaada la sheegay in uu ku dhawaaqayo R/wasaaraha dawlada KMG ee soomaaliya ayaa ku soo aadaya waqti golaha wasiirada ay isku raaceen in fulinta heshiiskaasi ay lama huraan tahay in la horgeeyo Baarlamaanka dawlada KMG ee soomaaliya go’aanka ay ka gaaraana la aqbalo.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News