Monday, June 6, 2011

Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Pres. Siilaanyo
June 5, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey xarunta Wasaaradda Gaashaadhiga Somaliland.

Munaasibad loo qabtay dhismahan cusub ee lagu soo kordhiyo Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo ay ka qayb-galeen 14 Wasiir oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed X. Cali Cadami, mudanayaal ka socda Baarlamaanka, Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka iyo marti-sharaf kale, ayaa mar uu Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay waxa uu mahad-naq u jeediyay ciddii gacanta ka geysatay dhismahan cusub.

"Waxaan halkan bogaadhin iyo mahadnaq uga soo jeedinayaa Wasiirka iyo Wasaaraddiisa Difaaca Qaranka oo ah wasaarad halbawle u ah dalkan, sidoo kalena waxa aynu ognahay doorka Ciidanka Qaranka oo ah Astaanta u taagan difaaca iyo ilaalada Qaranka, waxa kale oo aan halkan ugu mahad nayqayaa cidii aqalkan inoo dhismatay, oo aan leeyahay aad ayaanay ugu mahad sanyihiin," ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Waxaanu dhismaha ku tilmaamay mid kor u qaadaya sumcadda Wasaaradda.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Difaaca Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, "Maanta muhiimaddu Daartan maaha ee waxa weeye in la qiimaynayo ballan-qaadkii Xisbiga KULMIYE ee ahaa in nin waliba meesha uu joogo uu wax ku soo kordhiyo, waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan ciddii naga caawisay dhismahan, waxa kale oo xusid mudan in dhismihii hore ee aanu ku jirnay uu ahaa mid aad u burbursan oo aniga iyo shaqaalaha wasaaraduba ku maanaan jirin ammaan Nololeed oo waxaabanu ka baqaynay inuu nagu soo dumo, aad baanan ugu faraxsanahay dhismahan," Ayuu yidhi Wasiirku.

Dhismahan oo ah mid dabaq ah oo lagu soo kordhiyay Wasaaraddaas, ayaa ah xafiisyo ay maamul ahaan masuuliyiinta Wasaaraddaasi ku shaqayn doonaan. Hiiraan.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News