Friday, June 3, 2011

June 03, 2011 Dalkayaga@gmail.com
____________________________________________________________________________
Qaar ka tirsan Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa kusoo qamaamay xaafado ka tirsan xaafada Islii ee Bariga magaalada Nairobi halkaasi oo ay Kudhawaan 20-ruux ka kaxeystay xaafadaasi xili caadi ay u soconayeen dhamaan isku socodka dadka iyo gaadiidka.


Dadka ayaa waxad ahaa kuwa ku sugnaa Xaafada 12-Street halkaasi oo ay xiligaasi aad u buuxeen dadkaasi waxaana mar qur’a lagu arkay ciidamo isugu jira dharcad iyo Police oo kusoo qamaamaya xaafadaasi.
Xalay ayay aheyd kolkii Magaalada Mandheera ay ka kacey qarax xoogan oo lala eegtay ciidanka Police taa oo ugu danbeyntii sheegteen Xarkada Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia qaraxaasi oo ahaa mid Miina ah.

Qaraxa miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen in ka badan shan askari oo iyagu saarnaa gaariga miinadu la kacday, hase yeeshee lama sheegin in miinasadaasi ay ahayd nooca Remudka laga hago.

Daqiiqado kaddib waxaa halkaasi gaaray ciidamada milateriga wadanka Kenya, kuwaasi oo u gurmaday ciidamadii kale ee miinadu waxyeelada ka soo gaartay, waxaana halkaasi ku burburay gaarigii ay ciidamadu wateen.

Sida ay sheegayaan dadka degan magaalada Mandheera miinada ayaa ka qaraxday meel waddo ah kuna taalla xaafad ka tirsan magaaladaasi, iyadoo ciidamada Dowladda Kenya ayaa halkaasi geeyeen ciidamo fara badan, kuwaasi oo howlgallo ay halkaasi ka fuliyeen ku soo qabqabtay tiro dad looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxa miino ee halkaasi ka dhacay.

Dhanka kale waa markii ugu horeysay oo degaanada ku dhow xuduuda wadamada Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhacaan qaraxyo miino tan iyo markii magaalada B/Xaawo farahooda laga bixiyay xarakada Al-Shabaab oo iyadu inta badan adeegsata miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa.

Inta badan ciidanka ayaa xiliyadaasi oo kale ku soo qamaama dadka rayidka ah ee ku sugan xaafada Islii xili ciidamada laga mamnuucay in ay si xadgudub ah ay ugu takarafuraan awoodooda ciidan.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News