Monday, June 27, 2011

Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Bar-kulan

June 27, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Labo nin oo ahayd ganacsato Soomaali ah ayaa siyaabo kala gooni gooni ah loogu dilay deegaanno hoos taga magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo sidoo kalena la dhaawacay 4 nin oo mid ka mid ah la sheegay inuu dhaawiciisu liito.

Ganacsade lagu magacaabi jiray Carfaay Cismaan Calasow ayaa koox hubeysan waxa ay ku dileen toorrey, xilli uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla deegaanka Injoli oo hoos taga magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape, waxaana sidoo kale dhaawac loo geystay 4 dhallinyaro ah oo la shaqeyneysay ninkaasi.

Deegaanka Suweto ee isla gobolkaasi ayaa iyana lagu dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Maxamuud oo burcad Koonfur Afrikaan ah ay ku jebiyeen dukaan uu ku lahaa degaankaasi.

Booliska gobolka Eastern Cape oo gaaray deegaannada ay falalku ka kala dhaceen ayaa la sheegay inay baaritaanno sameeyeen, waxayna boolisku sheegeen inay ku howlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkii ka dambeeyay falalkaasi.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Eastern Cape Cabdiraxmaan Raabbi ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay dilalka loo geystay ganacsatada Soomaalida ah, isagoo sanadkan ku tilmaamay inuu yahay kii ugu dilalka badnaa, marka laga reebo sanadihii 2006 iyo 2007 ay dilalka Soomaalida ka noqdeen Koonfur Afrika dhacdooyin maalmeed.

Habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay ayay ahayd markii ganacsade la oran jiray Cali Nuur Xeyle lagu dilay tuulada Khalija oo hoos tagta magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News