Wednesday, June 8, 2011

Gaalkacyo:Malayshiyo weerar ku qaaday Muqaaxi ku taala Koonfurta Gaalkacyo & khasaaro ka dhalatay weerarkaas


June 8, 2011 Dalkayaga@gmail.com

Waxaa saaka waaberigii koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka dhacay weerar khasaaro badan geystay oo ay fuliyeen malayshiyo ku hubaysnayd ugu yaraan Halgaari oo nooca dheereeya ah kuwaas oo Rasaas ooda uga qaaday Muqaaxi shaaha laga cabo waaberigii oo ku taala bartamaha xaafada koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, Waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro aad u badan.


Weerarkan oo ahaa mid qorshaysan islamarkaasna rasaas xooglihi ay ka dhalatay ayaa ay ku dhinteen in kabadan 6-Ruux halka ay Dhowr & Toban kalena ku dhaawacmeen, waxaana goobta markiiba ka baxsaday kooxdii weerarka geysatay oo ay Saraakiisha xaafada koonfureed ee Gaalkacyo APL u sheegeen in aysan weli aqoonsan islamarkaasna ay ku raadjoogaan.

Kani wuxuu qeyb kayahay dhibaatooyin dhanka amaanka ah oo ka jira magaalada Gaalkacyo, Waxaanse weli si rasmi ah loo cadayn weerarkan & qaabka loosoo qorsheyeey walow ay warar badani kasoo kala baxayaan, Waxaana dhaawacyada ku waxyeeloobay weerarkan oo ubadan Rag shaaha ka cabayey muqaaxida la weeraray lagu dabiibayaa isbitaalka koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Source: Allpuntland


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News