Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, June 6, 2011

Caruur nafaqo dari ugu geeriyootay inta u dhaxaysa G. Sh/hoose iyo Bay

Shabelle

June 6, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Tiro caruur ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay cudurada shubnka iyo nafaqo darida ugu geeriyoodeen deegaano hoostaga Xadka kala qeybiya gobolada Sh/hoose iyo Bay.


Cudurka shubanbiyoodka iyo nafaqo dari aad u baahsan ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagantahay deegaanada kala ah Baqtiile, Sarargoobo iyo Daabaan oo ka mid ah deegaanada ku yaala Xadka- kala qeybiya gobolada Sh/hoose iyo Bay.

Inta la’ogyahay cudurkaasi ayaa waxaa u geeriyooday ilaa 7-caruur ah oo la sheegay inay horey u haysteen nafaqo dari aad u baahsan, iyadoo ay ilaa iyo iminka jiraan kuwa kale oo la ildaran cudurkaasi.

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanadaasi oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle oo diiday in magacooda loo adeegsado Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in deegaanadaasi ay ka jiraan xaalado caafimaad daro oo aad u liidata, waxaana ay tilmaameen in deegaanadaasi aysan ku oolin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo caruurta ay soo ritaan cudurada nuucyadooda kala duwan.

Waxgaradkaasi ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in caruurtaasi ay lasoo gaaraan dawooyin lagu dabiibo dhalaankaasi oo ay ka deeriyeen xaaladahooda caafimaad.

Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa uu ka mid yahay kuwa ku yaala Koofurta Soomaaliya oo ay saamaynta xooggan ku yeelatay abaarta ka jirta dalka, waxaana cuduradaani ay inta badan yimaadaan xiliyada ay biyo la’aanto ka dhacdo deegaanada sida wayn uga fog Biyaha Wabiga Shabelle.

 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News