Friday, June 3, 2011

Booliska Boosaaso oo qabtay bambo aan qarxin

June 3, 2011 Dalkayaga@gmail.com

Ciidanka booliska ee magaalada Boosaaso ayaa qabtay bambo aan qarxin oo lagu aasay waddada laamiga oo ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadweynaha magaalada.


Bamka ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa nooc gacan ku sameys ah, waxaana lala bar-tilmaameedsan rabay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo booqasho ku mari lahaa xarumaha adeegga guud ee magaalada Boosaaso, sida uu Bar-kulan u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka amniga.

Sarkaalka waxa uu sheegay inay heleen warbixin sir ah oo sheegeysay in bambo lagu aasay waddada, wuxuuna intaas ku daray inay soo saareen bamkaas, islamarkaana ay xirxireen dad looga shakiyay inay ku lug lahaayeen arrinkaas.

Ciidamada ammaanka ayaa muddo kooban xannibay isu-socodka gaadiidka ee waddadaasi, iyagoo howlgallo ay ciidamadu sameeyeen ku xireen dad fara badan oo lala xiriirinayo inay wax ka og yihiin bamkaas.

Saraakiisha sare ee booliska ayaa sheegay inay ka hadli doonaan arrintan marka ay soo dhammaadaan baaritaannada hadda socda.
Ma aha markii ugu horaysay oo bambo lagu aaso mid ka mid ah waddooyinka Boosaaso, iyadoo dhowr jeer oo hore ay ciidamada booliska qabteen bambooyin la dhigay waddada, kuwaasoo qaarkood geystay khasaare nafeed.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News