Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, June 16, 2011

Augustine Mahiga: “ Farmaajo iima sheegin in uu diiday iscasilaada

Farmaajo iyo Mahiga
June 16, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Ergayga gaarka ah ee Qaraamada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay go’aankii uu dib ugu laabtay Ra’iisul wasaare Farmaajo in uu xilka isaga dego.


Ambassador Augustine Mahiga oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo waraysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa waxaa uu ka hadlay qodobadii kasoo baxay heshiiskii Madaxda dowladda ee Magaalada Kampala iyo muranka ku aadan is casilaadda Ra’iisul wasaraha Xukuumadda KMG, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxdo u taageersantahay heshiiskii Madaxda dowladda ee Kampala kaasi oo uu tilmaamay in QM ay ula muuqato in xal looga gaarayo mushkiladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Mahiga waxaa uu sheegay in arinta ku aadan in uusan is casilayn Ra’iisul wasaraha uu ka maqlay oo kaliya Warbaahinta hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in taasi ay jahwareer ku abuurayso marka la’eego balan qaadkii Madaxda dowladda ay ku sameeyeen Magaalada Kampala.

Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in uu la xariiray Ra’iisul wasaare Farmaajo islamarkaana uusan kala hadlin arinta iscasilaada hase ahaatee ay ka sheekeysteen xaaladda dalka Soomaaliya halka ay marayso.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News