Wednesday, May 11, 2011

Ururka Alshabaab oo maanta Xus u samaysay Usama Bin Laden

March 11, 2011 Dalkayaga@gmail.com
_________________________________________________________________________________
Munaasabada oo galinkii danbe ee manta ka dhacday dagmada Afgooyee gobalka Sh/hoose ayaa loogu magac daray Xuska Ussama oo lagu xusayey dhimashadii Usama Bin Laden ka dib markii ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Marayknaka ay ku dileen gacan dhiiglaha ugu sareeya ururka Alqaeda.


Muaasabada ayaa looga hadlaayey sidii loogu aar gudi lahaa hogaamiyihii ururka Al Qacida Ussama Bin Ladin  ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda sare ee ururka isagu la mataanoobay AlQaeda ee ka dagaalama koonfurta Soomaliya oo ay ka mid ahayeen: Abuu Mansuur Al Amriiki, Muqtaar roobow Cali ,  Xasan Daahir Aweeys , Fu’aad Max’ed Qalaf , iyo kuwe kale oo afka soo duubtay.

Dadka ku dhaqan magaalada Afgooye ayaa maanta isla dhexmarayey sababta ay Alshabaab ay xusayaan Usama Bin Laden, halka ay mamnuuceen in la xuso Mowladka Nabiga naxariis iyo nabag galyo dushiisha ha ahaatee.

Magaalada Afgooye dhexdeeda ayaa lagu arkayey dad ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxda Alshabaab oo ay ka mid ahaayeen, "Xuska Nabiga diidoow dillaac, Bin Laden xusoow dhac".
L











0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News