Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, May 8, 2011

Qaramada Midoobay Iyo Midowga Yurub Oo Joojiyay Safaradii Sh Shiriif U Dibadda Ugu Dhoofi Jiray

Malaxweynaha xilligiisu sii dhamaanayo ee xukumadda ku meel gaarka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Shiikh Shiriif Shiikh Axmed ayaa warqad ay si wado jir ah u soo saareen Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika ayaa lagu ogeeysiisay in dhamaan laga mamnuucay safaradii uu dibadaha ugu bixi jiray xilli ay soo dhowaatay qabashadii doorashooyinka madaxda sarsare ee dalka Soomaliya.


Warqadaan lagu soo ogeysiisay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa timid kadib markii uu malaxweynaha xilligiisa uu sii dhamaanayo uu qorsheeystay inuu safarro taxane ah oo ku dhowaad ilaa iyo shan usbuuc ah uu doonayay inuu dalal ku yaala wadamada carabta iyo kuwa kaleba uu doonayay uu ku kale bixiyo.

Safaradaasi u qorsheeysanaa Shiikh Shiriif ayaa la ogeyn sababaha rasmiga ee la xiriirta, balse ilo xogogaal ah ku dhow dhow ay sheegayaan inay la xiriirto arrimaha la xiriira xilliga kale guurka ah oo uu doonayay in kale xaaajoodo masuuliyiinta wadamadaasi.

Shiikh Shiriif ayaa maanta ka sii raacay diyaarad si gaar ah ay u leedahay shirkadda la yiraahdo SKA oo ayagu maamulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo ay xukumadiisu horay heshiisyo ula gashay.

Si kasta ha ahaatee, madaxweynaha xilligiisu sii dhamaanayo ayaa safarro taxano dhowaan ku kale bixiyay wadamada ka tirsan geeska Afrika oo ku guuldareysatay inuu ka dhaadhiciyo masuuliyiinta wadamadaasi in la baajiyo doorashada dhowaan ka dhici doonto dalka Soomaliya oo lagu dooranayo masuuliyiinta sarsare ee dowladda federaalka.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News