Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, May 9, 2011

In ka badan 30-Xildhibaan oo loo diiday inay ka duulaan Muqdisho

Shabelle
May 9, 2011Dalkayaga@gmail.com


Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta laga horistaagay inay ka duulaan garoonka diyaaraha ee Aadan CaddeInternational Airport, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanadaasi jirdil loo gaystay.


35- Xildhibaan oo ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayay u diideen Ciidamo ka amar qaata waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda KMG inay ka amababaxaan garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Gudoomiyaha guddiga Warfaafinta barlamanka KMG Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ahaa Xildhibaadanii loo diiday inay dhoofaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in shaqsi ahaan uu doonayo in howlo caafimaad uu u aado dalka dibadiisa, waxaana uu tilmaamay in markiiba isaga iyo Xildhibaano kale waraaq loogu diidayo bixitaankooda ay ka soo gaartay Waaxda Socdaalka taasi oo ka timid Wasaaradda arimaha gudaha.

Cawad Axmed Cashara ayaa sheegay in diidmadaasi uu ka dhashay buuq badan oo u dhaxeeyay Xildhibaanada iyo Madaxda Waaxda Socdaalka ee dowladda, waxaan uu carabka ku dhiftay in qaar ka mid Xildhibaanada jirdil loo gaystay, isagoo intaasi ku daray in la jibiyay Axdiga KMG ah iyo xuquuqda ay leeyihiin Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan C/laahi Max’ed Aadan Fareey oo ka tirsan guddiga doorashooyinka Soomaaliya kana mid ahaa Xildhibaanadii maanta loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay doonayeen inay aadaan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya si ay ugu qeyb galaan tababar 10-ka bishan ka dhacaya Magaaladaasi, fasaxna ay ka haystaan gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

C/laahi Max’ed Aadan Fareey ayaa nasiib daro ku tilmaamay in la celiyo Xildhaanadii barlamanka ee dalka u dhashay lana fasaxo dad ajaaniib ah kuwaasi oo uu tilmaamay in xiligii la celinayay ay garoonka ka duuleen, isagoo xusay in Xildhibaano uu ka mid yahay Xildhibaan Mursal gacamaha ay u la tageen Ciidamada dowladda madaxana ay bastoolad ka saareen.

Diyaaradii qaadi lahayd Xildhibaanadaasi ayaa la xaqiijiyey in lagu qasbay inay ka duusho garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, inkastoo markii ay baxday diyaarada ay Xildhibaanadu diideen inay ka baxaan garoonka oo ay dib ugu noqdaan aqaladoodii, waxayna Shabelle ay u sheegeen inay go’aan midaysan ay ka qaadanayaan dhacdadaani sida ay hadalka u dhigeen

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News