Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, May 8, 2011

Guddoomiyaha Ahlu Sunna oo u ambabaxay Itoobiya

Bar-Kulan
May 8, 2011  Dalkayaga@gmail.com


Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha AhlSunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa socdaal ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyagoo ka qeyb gali doona shir aan la shaacin waxa looga hadlayo iyo muddada uu soconaya oo sida la sheegay ay ku marti qaaday dowladda Itoobiya.


Macallin Maxamuud Sheekh Xasan iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, isagoo Sheekha ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo ujeedada shirka ay ka qeyb galayaan.

Hasa yeeshee warar hoose ayaa sheegaya in kulankaas uu la xiriiro dib u soo nooleynta xiriirka u dhaxeeya dowladda KMG iyo Ahlu Sunnada gobollada dhexe oo muddooyinkan dambe uu mad-madow soo kala dhex galay.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale xubno ka ah taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ee gobollada Dhexe, Saadaq Sheekh Yuusuf, madaxa maaliyadda Sheekh Cabdiwali Macallin Maxamed iyo madax kale oo ka tirsan ururka.
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News