Sunday, May 15, 2011

Dad lagu dilay Boosaaso & Gaalkacayo xalay

May 15, 2011  Dalkayaga@gmail.com
__________________________________________________________________________________
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay dilal kala duwan ka geystay magaalooyinka Boosaaso iyo Waqooyiga Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo xalay guud ahaan magaalooyinkaasi ay ahaayeen kuwo xaaladooda aad u kacsaneyd, balse saakay ay degan tahay.



Ganacsade lagu magacaabo Shire Saciid C/raxmaan ayaa xalay kooxo hubeysan waxay ku dileen gudaha magaalada Boosaaso, waxaana kooxihii dilay oo ku hubeysnaa bastoolado ay ku dhufteen dhowr xabadood, taasi oo sababtay inuu halkaasi ku geeriyoodo, iyadoo ganacsadahaasi uu ahaa nin caan ka ahaa gudaha magaalada Boosaaso.

Sidoo kale daqiiqado kaddib markii uu dilka ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa hadana lagu dilay ganacsade kale oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Jaamac oo isagu ka shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala magaaladaasi.

Kooxaha hubeysan ee iyagu xalay dilalka ka geystay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa ka baxsaday ciidamada nabadgelyada maamulka Puntland oo gaaray labada goobood ee ay ka dhaceen dilalka.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo dilal ay ka dhacaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, hase yeeshee falalka had iyo goor ka dhaca Puntland ayaa la sheegayaa inay salka ku hayaan aanooyin qabiil oo u dhaxeeya beelaha halkaasi wada dega, inkasta oo maamulka Puntland uu sheego in falalkaasi ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo diidan nabadda Puntland.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News