Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, May 15, 2011

ADDIS ABABA: Ururka Ahlusunna oo khilaaf u dhexeeyay ka heshiiyay kaddib shir ay ku yeesheen Ethiopia

Puntlandpost
May 15, 2011 Dalkayaga@gmail.com
_________________________________________________________________________________
Ururka Ahlusunna oo khilaaf
 u dhexeeyay ka heshiiyay


Addis Ababa (PP) – Garbyo uu khilaaf u dhexeeyo oo ka tirsan Ahlusunna ayaa heshiis hordhac ah ku gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia oo ay shirar ku lahaayeen tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay.


Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan oo ka mid ah hoggaamiyaha garabyadan ayaa u sheegay BBC-da in heshiiskaas ay gaareen, isagoo heshiiska ku sheegay inuu yahay mid lagu dhameynayo khilaafaadyadii iyo kala fikir duwanaashihii u dhexeeyay ururka.

“Heshiiska aan maanta kala saxiixannay waa mid aan ku adkeynayno midnimadeena, waxaana ku heshiinay in bisha July ee sannadkan lagu qabto degmada Cadaado kulan lagu dhameystiran shirkan” ayuu yiri Sheekh Ibraahim.

Ururka Ahlusunna ayaa u kala jabay laba garab kaddib markii lagu caleemo saaray degmada Dhuusomareeb inuu Macallin Maxamuud Sheekh Xasan uu noqdo mas’uulka guud ee Ahlusunna, taasoo kooxda kale ay ku gacansayreen.

“Waxaan heshiiskan qalinta ku duugay aniga iyo Macallin Maxamuud Sheekh Xasan” ayu hadalkiisa raaciyay, isagoo ku sheegay in khilaafka u dhexeeyay ee ay heshiiska ka gaareen maanta ay ka mid ahaayeen qaabka maamulka Ahlusunna.

Sheekh Ibraahim ayaa lagu doortay kulan ka dhacay degmada Caabudwaaq, iyagoo qaadacay caleemo saarkii Sheekh Maxmauud, waxayna sheegeen inay yihiin garab kale oo kasoo horjeeda garabka Ahlusunna.

Heshiiskan lagu dhexdhexaadiyay Ururka Ahlusunna ayaa waxay suurogelisay dowladad Ethiopia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ka warbixiyay heshiiska, iyagoo xusay in heshiiskan la dhaqangelin doono.



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News