Thursday, April 21, 2011

Xeebta magaalada Hobyo oo la duqeeyay

Bar-Kulan


April  21, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Afar ruux ayaa ku geeriyootay 8 kalana wey ku dhaawacantay kaddib markii xalay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay duqeeyeen doon mareysay xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.


Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Hobyo, Cali Maxamed Maxamuud oo u warramay Bar-kulan ayaa xaqiijiyay in diyaarad ka soo dul kacday markab nooca dagaalka ah ay duqeysay doonta oo mareysay xeebta magaalada.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen kalluumeysato ku sugneyd bannaanka xeebta, kuwaasoo ay dhibaatadu soo gaartay, kaddib markii doonta oo la eryanayay ay u soo carartay dhinaca xeebta.

Cali Maxamed ayaa sheegay inaanay ogeyn doontaasi waxa ay ahayd iyo cidda la socotay, isagoo tilmaamay inay baaritaan ku sameyn doonaan, si ay wax badan uga ogaadaan, wuxuuna xaqiijiyay inaanay xeebta magaalada Hobyo ku sugneyd burcad badeed, isla markaana aan lagu heysan wax markab ah.
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News