Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, April 15, 2011

Xaflad lagu soodhawaynaayay degmada cusub ee Daraatoole oo lagu qabtay huteel Bade,Jig-jiga

Xaflad kamida xafladihii udabaal daga iyo damaashaadka soodhawaynta degmooyinkii dhawaan la’ ansixiyay ayaa lagu qabtay Huteel Bade ee magaalada Jig-jiga. Xafladan oo lagu soodhawaynaayay degmada
Daraatoole ee gobolka wardheer ayaa waxaa kasooqaybgalay masuuliyiin sar-sare oo katirsan xukuumada deegaanka, Ugaas, garaadyo iyo Salaadiin, Odayaal, fanaanin iyo bulshada kasoojeeda degmadaas iyo nawaaxigeeda.

Waxaana kamid ahaa masuuliyiinti kasooqaybgashay shirkan mudane Maxamed Rashid Isaq afhayeenka baarlamaanka deegaanka, madaxa-xafiiska madaxtoyada mudane C/fataax Maxamed Xasan iyo Kuxigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalah mudane Khadar Cabdi Ismaciil.

Madaxa-xafiiska madaxtooyada oo furay xafladan ayaa sidii xafladihii hore oo kale kasoojeediyay gobtaas khubad kooban oo kaga hadlay qiimaha ay leeyihiin degmooyinka kusoo biiray deegaanka dhanka horumarka iyo Nabadgalaydaba hambalyana u diray bulshada kasoojeeda degmadan cusub.

Waxaa sidookale ka hadlay xafladan qaar kamida odayaashii iyo waxgaradkii kasooqaybgalay xafladan kuwaas oo usoojeediyay dadka kunool degmadan iyo nawaaxigeeda in ay xukuumadooda lagarab istaagaan dadaalada ay ugu jiraan horumarka iyo nabadgalyada, kana qaybqaataan talaabo kasta oo lagu xaqiijinaayo horumar iyo nabadgalya waarta. Dadka kasoo qaybgalay xafladan ayaa iyagu hambalyo iyo salaan hawada u marinaayay madaxwaynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamud Cumar kuna amaanaayay go’aanka geesinimada leh ee u qaatay.

Source:  Kilil5 Online

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News