Wednesday, April 27, 2011

Shir ka Dhacay Jigjiga oo Lagu Yagleeley Golaha Aan Xuduudda Lahayn ee Afsoomaaliga

Jamhuuriya
April 27. 2011  Dalkayaga@gmail.com
_________________________________________________________________________________
Jigjiga (Jam)- Shir lagaga ay iska kaashadeen Akadamiyada daryeelka afafka lagaga hadlo qaarada Afrika ee loo yaqaan ACALAN iyo Jaamacadda Jigjiga, ayaa lagu yagleelay guddida aan xuduudda lahayn ee Afsoomaaliga. 


Shirkan ay soo qabqaabiyeen Akadamiyada Midowga Afrika u sameeyey daryeelka afafka qaaradda Afrika ee ACALAN iyo Jaamacadda Jigjiga oo 11 ilaa 13 April 2011 ka socday hudheelka Xamda ee magaalada Jigjiga, waxa ka qaybgalay aqoonyahanno Soomaaliyeed, waxana lagu falanqeeyey guulaha laga gaadhay adeegsiga Afsoomaaliga ee dalalka Geeska Afrika, caqabadaha hortaagan iyo sidii looga hortagi lahaa, iyadoo shirkaasi lagu doortay guddi toban xubnood ka kooban oo arrimahaas ka shaqeeya. 


Haddaba, qoraal guddidu ka soo saartay shirkaas oo nuqul ka mid ah xalay soo gaadhay Jamhuuriya, waxa uu isagoo faahfaahsan uu u qornaa sidan:

“Bilawgii qarniga 21aad ayuu ururka Midowga Afrika (AU) ku baraarugay qiimaha afafka, gaar ahaan kuwa lagaga hadlo Qaaradda Afrika. Sidaa aawadeed, Ururku waxa uu yagleelay akaademiyad ka shaqaysa daryeelka afafka Afrika oo loo yaqaan ACALAN. Dedaalkii iyo waxqabadkii ACALAN waxa ka soo baxay tirokoob ku saabsan afafka Afrika oo lagu soo xulay kow iyo afartan af (41) oo lagaga hadlo laba dal iyo in ka badan. Warbixin ay ACALAN soo saartay February 2009kii, waxa ay ku caddaysay in 41kaa af laga soo dhex saaray laba iyo toban (12) af oo loo arkay in ay yihiin kuwa xuduudaha ugu badan ka gudba. Haddaba, Afsoomaaligu waxa uu noqday mid ka mid ah saddexda af ee ka soo baxay Bariga Qaaradda (Malagasy, Kiswahili iyo Soomaali). 


Haddaba ACALAN iyada oo la kaashanaysa Jaamicadda Jigjiga, waxay qabatay kulankii ugu horreeyay oo lagu abuuray Guddiga aan xuduudda lahayn ee Afsoomaaliga. Kulankan oo socday ayaamihii u dhexeeyay April 11 illaa 13, waxa uu noqday mid taariikhi ah oo sugay qiimaha afsoomaaliga iyo sida ay dunidu iskaga xilqaadday. Shirka waxa lagu qabtay hudheelka Xamda ee Jigjiga, waxa na wada hagayay Xoghaynta Fulineed ee ACALAN iyo Jaamacadda Jigjiga. 


Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee shirka ka qaybgalay waxa ka mid ah; Prof. Cabdalle Cumar Mansuur, Prof. Siciid Saalax Axmad, Prof. Maxamed Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Prof. Maxamed Xuseen Raabbi, Prof. Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Aadan Xasan Aadan, Aamina Muuse Weheliye, Beddel Cabdillaahi Geelle iyo kuwo kale oo badan. Inkastoo ay aqoonyahanka qaarkood ka yimaaddeen meelo aad u fog oo dunida daafaheeda ah, haddana, badankoodu waxay ka kala yimaaddeen dalalka afsoomaaliga lagaga hadlo ee Geeska Afrika. 


Gellinkii hore ee maalinkii shirka u horreeyay waxa uu ahaa furitaan iyo isbarasho, gellinkii danbena, waxa lagu falanqeeyay adeegsiga afsoomaaliga ee dal kasta oo lagaga hadlo Geeska Afrika; guulaha la gaadhay iyo khataraha wiiqaya ama hortaagan. Waxa kale oo fursad la siiyay aqoonyahankii ka kala yimid qurbaha oo ka warramay waayaha afsoomaaliga ee dalalka shisheeye iyo dedaalka ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu jiraan ilaalinta iyo badbaadinta afkooda hooyo. iyo waayihiisa dal walba oo lagaga hadlo. 


Maalinkii labaad ee shirka, waxa la ansixiyay oo la isku raacay xubnaha Guddiga aan xuduuda lahayn ee Afsoomaaliga oo iyana doortay guddoomiye iyo xoghaye. Xubnaha guddiga la doortay waxay kala yihiin : 


Prof. Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Prof. Maxamed Daahir Afrax

Prof. Cabdalle Cumar Mansuur

Prof. Siciid Saalax Axmad

Maxamed Xuseen Raabbi

Aadan Xasan Aadan

Aamina Muuse Weheliye

Beddel Cabdillaahi Geelle

Mustafe Cabdullaahi Cali Feyruus

Axmeddeeq Maxamed,

Xubin loo banneeyay qof la soo xuli doono. 


Guddigu kulankoodii u horreeyay ba waxay Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim (Guddoomiyaha Jaamacadda Jigjiga) u doorteen in uu noqdo Guddoomiye, halka ay Dr. Maxamed Daahir Afrax na u doorteen in uu noqdo xoghaye. Intaa ka dib, waxa uu guddigu yeeshay kulanno xidhiidh ah oo lagu diyaariyay la iskula na meel dhigay qorshe-hawleed socon doona saddexda sano ee innagu soo fool leh. 


Qorshaha guddigu ku hawlgali doono, waxa si cad uga dhex muuqda;

Qabyotirka qoraalka farsoomaalida. 


Kobcinta cilmibaadhista la xidhiidha afsoomaaliga. 


Hirgelinta go’aannadii hore loo gaadhay ee la xidhiidhay afka iyo naxwihiisa.



Dhiirrigelinta buug-faafinta iyo tarjamaadda. 


Wacyigelinta Soomaalida iyo in la dareensiiyo qiimiga afkoogu leeyahay. 



Dawladaha afsoomaaligaga lagaga hadlo, in lagu dhiirrigeliyo sidii ay afsoomaaliga u geliyaan barnaamijyada dugsiyada lagu dhigo. 


In la iskaashado guddiyada kale ee afafka Afrika. 


Shirka oo ku dhammaaday guul iyo rayrayn, waxa lagu kala tegay in sida ugu dhakhsaha badan la isugu soo noqdo sidii loo hirgelin lahaa qorshahaa,” ayaa lagu soo koobay qoraalka guddidu ka soo saartay shirka ku qabsoomay magaalada Jigjiga ee xarunta dawladda Soomaalida dalka Itoobiya.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News