Sunday, April 10, 2011

Shir Al-shabaab ugu Socday Kismaanyo oo ku Dhammaaday Gacan-ka-hadal Dhexmaray Horjoogayaasha Kooxda

Ilaha sirdoonka ee reer galbeedka oo kaashanaya kuwa dawladaha Geeska Africa ee u dhuunta-daloola arrimaha kooxda Al-shabaab, ayaa soo tebiyey shir ka dhacay Kismaanyo uu ku dhammaaday gacan-ka-hadal dhexmaray horjoogayaasha kooxdaas oo is farasaaray. 


Tan iyo markii la wiiqay awooddii Al-shabaab ee magaalada Muqdisho, waxa sii xoogaysanaayey jabka iyo khilaafka kooxdaas, Mudda yar gudahood waxay lumiyeen dhul balaadhan oo ay markii hore xoog ku haysteen, mana muuqato awood ay ku soo ceshan karaan dhulkaas.

Ciidammada dawladda Shariif iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda Al-shabaab ayaa jilbaha u aastay inay difaacdaan goobaha ay ka qabsadeen Al-shabaab, waxana jira dhaqdhaqaaqyo horleh oo ay wadaan dowladda iyo xulufadeeda oo ku doonayaan inay dhul horleh kaga qabsadaan Al-shabaab.




Malleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegay inuu ku habsaday niyad-jab iyo habacsanaan weyn, waxana taas kaga sii daran oo u waheliya dagaallada lagu jabiyey iyo khilaafka soo jiitamayey muddada dheer ka dhex oognaa hoggaanka maamulka, siyaasadda iyo dhaqaalaha, khilaafkaas oo ah mid gaamuray oo ay adagtahay siday xal uga gaadhaan. 


Dagaallada ka soo cusboonaaday gobollada Jubbooyinka ayey isku khilaafeen qaabkii looga hortagi lahaa. Horjoogayaasha Al-shabaab ee Jubbooyinka ayaa sida la sheegay qaylo-dhaan u dirtay kuwooda Muqdisho jooga, codsigaas oo ay ku doonayeen in lagu taakuleeyo malleeshiyaad dheeri ah, balse masuuliyiinta Al-shabaab ee Xamar ayaa dalabkaas kaga jawaabay diidmo cad, iyagoo ku macneeyay inay cadow ka awood badan kuwa Jubbooyinka ay horjoogaan, jab weyna kala kulmeen maalmihii u dambeeyay oo tooda u yaaban yihiin. 


Arrintan ayaa u muuqata qaabkii Xisbul-islaamkii kaga baxay dagaalladii Muqdisho, tasoo u sahashay Al-Shabaab inay dhirbaaxo kulul ku dhuftaan Shekh Axmed Madoowe oo hadda xulufo la ah ciidammada dawladda Shariifka oo dhowaan ka qabsaday magaalada Dhoobley.

Kulamo dhowr ah ayey masuuliyiinta sare ee Al-shabaab isugu yimaaddeen iyagoo doonayey sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen dhinacyada isku haya hoggaaminta kooxda iyo maamulka dhaqaalaha. 


Kulankii ugu dambeeyey ayaa maalmihii Arbacada iyo Khamiistii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, haseyeeshee ku dhammaaday fashil iyo inay faraha isku saaraan ilaa kontomeeyo xubnood isugu jira ajnebi iyo Soomaali oo shirarkaas ka qaybgalay.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News