Sunday, April 10, 2011

Shariif Xasan oo aaday Kenya si uu uga qeyb galo Shirka QM

Shabelle

April  10, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta u dhoofay dalka Kenya si uu uga qeyb galo shirka Qaramada midoobay oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Nairobi.


Iyadoo lagu wado in 12 ilaa 13-ka bishaan oo ka furmo magaalada Nairobi shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay islamarkaana lagu marti qaaday maamulada ka jira dalka Soomaaliya iyo dowladda KMG ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa ka ambabaxay gudoomiyaha Barlamanak Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo kuwaasi oo doonaya in ay ka qeyb galaan shirkaasi ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Xidlhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Shabelle ayaa u xaqiijiyay in maanta Muqdisho uu ka ambabaxay gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo si ay uga qeyb galaan shirkaasi lagu wado maalmaha soo socda in uu ka dhaco Magaalada Nairobi.

Tan iyo markii Qaramada Midoobay ay ku dhaawaqday in ay qabaneyso shir wada tashi ah oo lagu casuumay maamulada dalka iyo dowladda KMG ayaa waxaa khilaaf siyaasadeed oo ku aadan ka qeyb galka shirkaasi uu soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG Soomaaliy.

Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa horay uga biyo diiday in ay ka qeyb gasho shirkaasi, waxaana ka qeyb galka Gudoomiyaha ee Barlamanka ee shirkaasi ay muujuneysaa sida ay ugu kala aragti duwanyihiin masuuliyiinta dowladda ka qeyb galka shirkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeysay waxaa ka dhacayay kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayeen xildhibaano ka tirsan Barlamanka kuwaasi oo qudhooda isku maandhaafsan ka qeyb shirka Qaramada Midoobay ee Nairobi, iyadoo sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo ka qeyb galka Shirkaasi.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News