Saturday, April 23, 2011

Saddex Al Shabaab ah oo Kenya lagu qabtay

Somaliweyn


April  23, 2011  Dalkayaga@gmail.com


Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay shalay qabqabteen saddex ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab iyo qalab waxyaabaha qarxa laga sameeyo oo ay wateen, maalin kaddib markii la soo saaray digniin la xiriirta weerarro argagixiso oo lala beegsado dalkaasi.


Taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Leo Nyongesa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddexda nin lugu xiray deegaanka Isiolo, iyagoo wata agab loogu talagalay in waxyaabaha qarxa laga farsameeyo, kuna sii jeeda Soomaaliya, kaddib markii sida uu sheegay ay ka adeegteen gudaha Kenya.

Leo Nyongesa ayaa sheegay in raggaasi ay markii hore dalka Kenya ku soo galeen si dhuumaaleysi ah, isla markaana in muddo ah isha lugu hayey, isagoo xusay in weli su`aalo la weydiinayo raggaasi oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Saddexda nin ayaa laga yaabaa in loo soo wareejiyo magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, si baaritaanno dheeraad ah ay ugu sameeyaan kooxaha qaabilsan la dagaallanka argagixisada.

Maleeshiyada Al Shabaab oo horay u sheegatay weerarro argagixiso oo kal hore ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa in dhowaalaba waxaa ka soo baxayay hanjabaado la xiriira weerarro ay la damacsan yihiin Kenya. Taliyaha booliska Kenya wuxuu dorraad ka digey weerarro ay qorsheynayaan Al Shabaab, oo laga yaabo in ay gudaha Kenya ka fuliyaan inta lugu guda jiro damaashaadka toddobaadka Masiixiyiinta.
 
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News