Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, April 21, 2011

Madaxweynaha Puntland oo maanta xil ka qaadis ku sameeyay maamulkii Gobolka Mudug ee Puntland

April 21, 2011 Dalkayaga@gmail.com
__________________________________________________________________________________
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo khamiis ah wuxuu ku kala diray dhammaan maamulkii gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka mudug ee Puntland.


Wareegtada ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug iyo duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland uu noqonayo Maxamuud C/raxmaan Cuuke, waxaana maamulkii hore lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay ammaanka waqooyiga degmada Gaalkacyo.

Tallaabadan ayuu ku sheegay madaxweyne Faroole inay tahay mid wax looga qabanayo ammaanka Gaalkacyo, halkaasoo ay toddobaadkan ka dhaceen dil loo geystay agaasimihii wasaaradda diinta iyo owqaafta iyo weerarro lagu qaaday masaajid oo dad lagu dilay.

Wareegatada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu arrinta wadatashi kala sameeyay mas'uuliyiinta Punland, waxaana mas'uulkan xilkan loo magacaabay uu horay u ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarasahda Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Mudug ayaa loo magacaabay Daahir Maxamuud Muuse iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaad oo isna loo magacabay Farxaan Cali Xirsi iyadoo labada mas'uul ay horay uga tirsanaayeen golihii la kala diray ee deegaanka, iyadoo sidoo kale ay madaxdan guddoomin doonaan guddiga amniga gobolka sida ku cad wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Faroole.

Gobolka Mudug, gaar ahaan qaybta ay ka taliso Puntland ayaa lagu soo rogay xaalad deg-deg ah, taasoo la sheegay in wax looga qabanayo ammaanka guud ee gobolka oo aad u soo xumaanayay bilihii ugu dambeeyay, waxaana mas'uuliyiinta cusub horyaalla howlo adag sida inay ammaanka sugaan.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News