Saturday, April 23, 2011

Ku dhawaad 10 qof oo baahi ugu geeriyootay dhulka Somalida ee Ethiopi

Shabelle
April  23, 2011 Dalkayaga@gmail.com

Wararka naga soo gaaraya Tuulooyin ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho ayaa waxa ay sheegayaan in abaaro ka jira halkaasi ay sababeen dhimashada dad badan oo ku sugnaa tuulooyinkaasi.


Tuulooyinka abaaraha xoogan ay ka jiraan waxa ka mid ah Qodqod, Neef-kuceshe, Balli-jabraa’iil iyo Tuulada Miir-khaliif kuwaasi oo dhamaantood ka wada tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho, waxaana saacadihii la soo dhaafay tuulooyinka Neef-kuceshe iyo Miir-khaliif baahi iyo haraad ugu geeriyooday in ka badan 9 qof.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in tuulooyin badan oo ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho ay ku geeriyoodeen dad kale oo intaasi ka badan, kuwaasi oo ay u wacantahay biyo la’aanta iyo gaajada ka jirta tuulooyinkaasi, mana jirto ilaa iyo iminka cid wax gurmad ah u fidisay dadka Soomaalida ah ee abaartu ay heysato.

Dadka abaarta u geeriyooday ayaa inta badan waxa ay u badanyihiin Caruur iyo haween, kuwaasi oo biyo la’aan xoogan ay soo wajahday, waxaana dadka abaaruhu ay heystaan ka mid ah qoysas biyo la’aantu ay aad u saameysay.

Shalay ayay aheeyd markii maleeshiyaad hubaysan ay leexsadeen booyado biyo u siday qoysaska abaaruhu ay ku heystaan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho, waxaana wararka laga helayo halkaasi ay sheegayaan in booyadii biyaha qiimo ahaan ay ka joogto $500 oo doolarka Maraykanka.
 
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News