Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, April 27, 2011

Koonfur Afrika oo la gubay dukaan ay Soomaali leedahay

Bar-Kulan

April  27, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Kooxo burcad ah oo Koofur Afrikaan ah ayaa dab qabadsiiyay dukaan uu lahaa ganacsade Soomaali ah, oo ku yaalla xaafadda Kalaafoten ee magaalada Cape-town, ee dalka Koonfur Afrika.


Burcadda oo hubeysneyd ayaa la sheegay inay dabka qabadsiiyeen dukaanka, xilli ay isku dayayeen inay dhac u geystaan.

Ciise Xasan Axmed oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee xaafadda Kalaafoten oo goobjoog ka ahaa dhacdada ayaa Bar-kulan u sheegay in inkastoo alaabtii taallay dukaanka oo idil aysan ka badbaadin dabka, ay haddana bad qabaan labo dhallinyaro ah oo ka shaqeyneysay dukaanka xilligii la gubayay.

Dhacdada ayaa qayb ka ah weerarro soo cusboonaaday oo lagu ugaarsanayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku sugan tuulooyinka yar yar ee ku yaalla gobollada Estern iyo Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News