Thursday, April 7, 2011

Garoowe:"Ummadda halaga daayo dabargoynta" Afhayeenka Isimada Puntland

Allpuntland

April  6, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Afhayeenka guud ee isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo saaka warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa canbaareeyey dilalkii 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaana magaalooyinka Garoowe & Boosaaso,waxaana uu Afhayeenku sheegey in ay taasi tahay nasiib daro dalka & dadkaba usoo hoyatay.


Garaad Cabdullaahi Cali Ciid wuxuu sheegey in falkii shalay garoowe kadhacay ee lagu dilay Marxuum Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) uu ahaa mid naxdin badan islamarkaasna u dhacay si lamafilaan ah isagoo tacsi u diray eheladii marxuumka & labadii ruux ee la geeryootay,isagoo sheegey in marxuumku uu ahaa nin siweyn uga shaqeeya hormarinta dalka islamarkaasna ku firfircoon shaqadiisa,waxaana uu sheegey in ay tahay Nasiib darro in weli dalka ay ka socdaan falalka aqoonyahanka lagu laynayo iyadoo aano qabiil & arimo siyaasadeed loola dan leeyahay.

Dhinaca kale Afhayeenka guud ee isimada Puntland wuxuu canbaareyey isla dilkii xalay gudaha magaalada Bosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland loogu geystay midkamid ahaa nabadoonada gobolka Bari oo uu sheegey inuu ahaa Nabadoon caan ku ahaa ka shaqeynta Nabada,isagoo tacsi u diray eheladii nabadoonku uu ka geeryooday.

Garaadka oo arimo badan ka hadlay kadib wuxuu baaq u ekaa mid culus oo u diray bulshoweynta reer Puntland oo uu sheegey inuu ugu baaqayo inay iska daayaan laynta dadka oo waayahaan soo laba kaclaysay,wuxuuna sheegey in hadii maalinkasta la dilo Aqoonyahanada & cuqaasha dalka ay taasi keenayso in dadku uu dabargo’o wuxuuna ku baaqay in laga laabto dabargoynta dadka lagu hayo,wuxuuna ugu danbayn hadalkiisa ku sheegey in ciidamada Amaanka ee Puntland uu ugu baaqayo inay sii labajibaaraan howlahooda amni sugista.
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News