Thursday, April 7, 2011

Barlamanka Galmudug oo loo diiday inay shiraan

Shabelle

April  6, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in wax kulan ah aysan yeelan karin barlamanka Galmudug ilaa inta laga xalinayo qilaafka gudoonka sare ee Maamulkaasi.


Iyadoo mudooyinkii dambe uu sii xoogaysanayay qilaafka golaha barlamanka Maamulka Galmudug oo ku qotomay wax ka badalidda Dasttuurka Maamulka Galmudug iyo arimo kale ayaa hadana markii ugu horeysay qilaafka u dhaxeeya golaha barlamanka Maamulkaasi waxaa ka hadlay Maxkamadda sare ee Maamul goboleedka Galmudug.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Maxkamadda sare ee Maamulkaasi ayaa lagu sheegay in loogu baaqayo dhamaan xubnaha golaha barlamanka Maamulka Galmudug inaysan qaban karin wax shirar ah inta laga xalinayo qilaafka xoogan ee u dhaxeeya golaha barlamanka Galmudug.

Sidoo kale Warqadaasi ayaa waxaa loogu baaqay dhamaan saxafiyiinta gudaha iyo dibadda inaysan waraysan karin xubnaha ugu sareeya barlamanka Maamulka Galmudug maadaama sida ay tilmaameen xiliyadii dambe uu sii xumaanayay qilaafka u dhaxeeya golaha barlamanka.

Warqadaani kasoo baxday Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay kusoo adayaa iyadoo maalintii shalay qilaaf u dhaxeeyay golaha barlamanka Maamulka Galmudug uu ka hadlay Madaxweynaha Maamulkaasi, isagoo ka codsaday Maxkamadda sare inay arimaahaasi ay ka hadasho maadaama sida uu tilmaamay uu sii xoogaysanayo qilaafka u dhaxeeya gudoomiyaha barlamanka iyo gudoomiye ku xigeenkiisa kaasi oo salka ku haya wax ka badalidda Dastuurka Maamulka Galmudug.
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News