Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, April 27, 2011

Kooxo burcad ah oo Koofur Afrikaan ah ayaa dab qabadsiiyay dukaan uu lahaa ganacsade Soomaali ah

Allpuntland
April 27, 2011  Dalkayaga@gmail.com
________________________________________________________________________________________________
Dagaal u dhexeeyo beelo walaalo ah oo wada dega magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa duhurnimadii maanta ka qarxay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,waxaana uu dagaalkani yimid kadib markii saaka waaberigii koox hubaysani ay duleedka magaalada ku dileen nin culimo ah.

Kadib dilka wadaadkan ayaa duhurnimadii maanta isla gaalkacyo lagu dilay nin kale oo lala xiriiranayo nin ganacsade ah oo kasoo jeeda midkamid ah beelaha gobolka Mudug,waxaana dilka ninkan kadib magaalada si rasmi ah uga bilowday dagaal u dhexeeyo labo kamid ah qaabaa’ilada ugu waaweyn ee dega magaalada Gaalkacyo & guud ahaanba gobolka Mudug.

Inta la ogyahay in kabana 7-Ruux ayaa ku dhimatay dagaalka,waxaana jira dhaawacyo intaas kabadan oo la geeyey isbitaalada Koonfurta Gaalkacyo & kuwa Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana jira waanwaan ay Puntland ku dhawaaqday oo aanan weli hirgelin,dagaalkanse waa kii ugu balaarnaa ee mudo sanado ah dhexmara Qabaa’ilada kala dega Koonfur Galbeed Magaalada & Bariga magaalada Gaalkacyo.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News