Friday, April 15, 2011

Banaan bax lagu taageerayay shirkii wada tashiga Nairobi oo ciidamo ka tirsan dowladda isku rasaaseeyeen

April 15, 2011  Dalkayaga@gmail.com
_________________________________________________________________________________
Banaan bax lagu taageerayay shirkii wada tashiga ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa goor dhow la isku rasaaseeyay, markii ciidamo ka tirsan dowladda oo ka socday maamulka gobolka banaadir ay is hor taageen banaan baxaas.



Banaan baxa oo ay ka qeyb galayeen haween iyo caruur ayaa waxaa ciidamada dowladda ay rasaas ku kala eryeen banaan baxayaashaas, hase ahaatee ciidamo la socday ay rasaas ugu jawaabeen ciidamadii kale, taasoo ka dhalatay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la hubo saddex ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay halka afar kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta la isku furay intii banaan baxa socday, waxaana kadib uu jahwareer ku yimid habsami u socodkii banaan baxa oo lagu kala cararay.

Banaan baxa oo ka socday nawaaxiga Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa la sheegay inuu soo abaabulay Maxamed Dheere oo xalay Idaacadaha Muqdisho ka sheegay in go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka banaadir ee ahaa in aan la qaban karin banaan baxyada uu yahay wax lagu qoslo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda KG oo ku aadan qasaaraha ka dhashay rasaasta iyo ciidamada dowladda is rasaaseynta ku dhex martay.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News