Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, April 21, 2011

AU-da & Mareekanka oo ka wada hadlay arinta Soomaaliya

Kulan ay magaalada Washington ee caasimada wadanka Maraykan ku yeesheen gudoomiyaha gudiga Midawga Africa Jean Ping iyo ku xigeenka la taliyaha hay’ada amniga qaranka Maraykan Denis McDonough ayay waxay kaga wada haldeen arrimaha qaaradda Africa gaar ah wadamada ay dhibaatadu ka jirto oo Soomaaliya ka mid tahay.



Kulankaan oo dhawr saacadood qaatay ayaa waxay si gaar ah uga wada hadleen dhibaatadda Soomaaliya ka jirta gaar ahaan amni xumida dalka ku baahday.

War saxaafadeed aqalka cad ee Maraykanka laga soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in mas’uuliyiintaan ay isla garteen inay muhiim tahay in gacan laga geysto nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Warka waxaa lagu sheegay in Maraykanka uu sii xoojin doono gacana ka geysan doonyo dadaalka Midawga Africa ugu jiro xal u helida arrimaha Africa gaar ahaan tan Soomaaliya oo muddo dhibaato ka jirto.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday arrimaha ka taagan wadamada Nigeria iyo Ivory Coast.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News