Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, March 12, 2011

Warbixin ku saabsan dagaaladii ka dhacay tuulada Ceel la helay ee Gobolka Galgaduud

March  12, 2011 Markacadeey


Tuulooyinka Ceel la helay iyo God Dhurwaa oo u dhaxeeya degmada Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ayaa saakay degan jawigooda, kaddib markii halkaasi dagaallo xoogan ku dhex mareen ciidamada jameecada Ahlu Sunna iyo kuwa Al-Shabaab, waxaana dagaaladaasi oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay la sheegayaa inuu sii kordhayo qasaaraha ka dhashay oo u badan dhinacyada dagaalamaya.


Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaalka dhex maray Ahlu Sunna iyo Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen 25-ruux oo u badan labada dhinac, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhaawacyadooda loo kala qaaday degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Dadka ku geeriyooday dagaaladaasi ayaa la sheegayaa inay ku jireen laba haween ah oo iyagu ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo xaaladda tuulooyinkaasina dadka degan ay ka welwelsan yihiin dagaallo mar kale halkaasi ka dhaca, bacdamaa ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Al-Shabaab ay isku hor fadhiyaan degaano ka tirsan tuulada Ceel la helay.

Dhinaca kale afhayeenka Ahlu Sunna ee gobolka dhexe Sheekh C/risaaq Al-Ashcari ayaa sheegay in dagaaladaasi dhinacooda ay uga geeriyoodeen saddex askari, isagoona sheegay in dhinaca Shabaab ay u geysteen qasaarooyin lixaad leh, isla markaana ay ku sii socdaan degmada Ceelbuur, waxayna labada dhinac bilaabeen diyaar garow dagaal iyo hub urursi, hase yeeshee wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa.

Somaliwayn
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News