Tuesday, March 8, 2011

War Deg Deg ah:-Madaafiic ku socota caawa Degmada Dhoobleey

March 08, 2011 Dalkayaga@gmail.com
___________________________________________________________________________________
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose waxaa iminka Duqeymo xoogan ay ku socoto Xaafado ka mid ah Magaalada dhoobley islamarpkaana ay duqeynayaan Ciidamo taabacsan Axmed Madoowe oo ka mid ahan jirey Ururkii Bur-burey ee Xisbul Islaam oo markii danbena uu isaga baxey.



Hugunka Madaafiicda lagu garaacayo caawa xaafado ka mid ah Magaalada Dhoobley ayaa si aad ah looga maqlayaa deegaanada ku dhow-dhow Magaaladaasi sida ay noo xaqiijiyeen dad ku dhaqan Gudaha Magaalada dhoobley.

Waxaana la sheegayaa in Magaalada jahwareer xoogan caawa uu ka jiro kadib markii duqeynta halkaasi ay ka bilaabatey waxaana ciidamada Axmed Madoobe ay kasoo duqeynayaan Magaalada meel dhinaca Xuudada Kenya ah.

Lama oga qasaaraha Duqeynta ku socota magaalada dhoobley ay geysatey maadaama xili habeen ah ay tahay islamarkaana dadka ay yihiin kuwa baqdin awgeed aan wax si dhab kugu sheegeynin markaad la xariirtit iyagoo dhinaca amaankooda u baqaya.

Ugu danbeyntii Shabaabka ayaa iyagan gudaha Magaalada Bandow kusoo rugey bilaabeyna dhq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay doonayaan in ay iska difaacaan Ciidamada Axmed Madoowe.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News