Monday, March 21, 2011

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo Xalay lagu dilay nabadoo Caan ah

Somaliweyn

March  21, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Waxaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay xalay dhabartii Nabad doon caan ah oo lagu magacaabi jiray Suldaan Xuseen Cali (Begadi) kadib markii ay kooxo ku hubeysan Bastoolado kun toogteen afaafka hore ee Hogiisa.


Muddo kadib ayaa ciidamada Booliska ee Maamul goboleedka Puntland oo meesha soo gaaray ayaa waxa ay ka sameeyeen goobtaai howlgalo lagu baadi goobayay kooxihii dilkaasi heystay kuwaasi oo la sheegay inay baxsadeen balse lagu raad joogo.

Dilka nabadoon Begadi ayaa imaanaya xili ay wada hadalo ku saabsan sugidda aminga u socdeen maamulada Puntland iyo Gal mudug kuwaasim oo loo saaray gudiyo ka shaqeeya howlahaasi, walow aanay waxba iska bedelin xasilooni daridii ka jirtay magaalada Gaalkacyo.

Dilkan ayaa imaanaya xili waqooyiga magaalada Gaal-kacyo ayna ka socdaan abaabulo loogu jiro sidii hay'adaha samafalka ay xafiisyo uga furan lahaayeen waqooyiga Gaalkacyo taasoo la xiriirta dadaalo ay wadaan masuuliyiinta Puntland oo doonaya in ay xafiisyo ka furtaan haay'adaha Q/midoobay degaanada Puntland.

 
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News