Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, March 6, 2011

Shabaab oo cabsi darteed ka Huleeshay degmada Ceel-Buur.

March 06, 20111  Dalkayaga@gmail.com
__________________________________________________________________________________
Wararka ka imaanaya Magaalada Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saaka gelankii hore degmadaasi ay faaruqiyeen kooxda Shabaab iyo saraakiishooda shiisheeye ee ku sugnaa Ceel-Buur.



Sida ay ku waramayaan dadka degaanka bixitaanka Ciidamadani Shabaabka ka tirsan iyo maamulkoodii Ceel-buur ayaa waxaa uu ka danbeeyey kadib markii sida la sheegey ay ka warheleen abaabulo iyaga ka dhanka ah oo Xukuumada Itoobiya iyo Ahlu suna ay ka wadaan Qeybo Gobalka ka mid ah.

Sidoo kale bixitaanka Maamulkii Shabaab ee faarujiyey Ceel-Buur ayaa waxaa loo sababbeynayaa kacdoon ay ku sameeyeen Shacabka ku dhaqan Degmaasi oo iyagu kusoo horjeedey in la aruuriyo dadka deegaanka kuwaasi oo maalamihii danbe shabaab ku amrayeen in ay ka qeyb qaataan Dagaalada Muqdisho ka socda.

Magaalada Ceel-Buur ayaa waxaa ay iminka ay tahay mid haawaneysa oo aaney jirin cid hada Magaalada maamulkeeda haya marka laga reebo Shacabkii oo jawi jahwareer soo wajahdey


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News