Wednesday, March 2, 2011

Safiirka Liibiya u fadhiya Somaliya oo beeniyay in uu iscasilay

Shabelle


March 2, 2011 Dalkayaga@gmail.com


 
Safiirka dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya ayaa beeniyay in dowladda KMG Soomaaliya uu magangalyo siyaasadeed weydiistay ama uu ka tagay Xafiiskiisa safaarada Liibiya ee Magaalada Muqdisho.


Ciise Rabiic Canshuur oo ah Safiirka Liibiya u fashiya Soomaaliya oo wareysi gaar ah siinayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa uu si kulul u beeniyay war ku saabsanaa in uu dowladda KMG ka dalbaday magan galyo siyaasadeed islamarkaana uu ka tagay shaqadiisa safiirnimo ee wakiilka uu uga ahaa dowladda Liibiya dalka Soomaaliya.

Mar Shabelle ay weydiisay safiirka su’aal aheeyd in isaga iyo R/wasaaraha dowladda KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ay kulan qaateen si wada jir ahna loo shaaciyay in uu magangalyo siyaasadeed uu weydiistay dowladda KMG ayna ka aqbashay codsigiisa dowladda, ayuu sheegay in uu la kulmay R/wasaare Farmaajo balse uusan kala hadlin arimo la xariira magangalyo siyaasadeed oo isaga la siiyo iyo in uu ku dhawaaqay istiqaalo uu kaga tagayo Xafiiskiisa safaarada Liibiya ee Soomaaliya.

Ciise Rabeec waxaa uu sheegay in R/wasaaraha dowladda KMG uu kala hadlay arimo dhowr ah oo quseeya dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Liibiya iyo in sidoo kale si wada jir ah ay beesha Caalamka uga codsadeen in ay kaalmooyin deg deg ah oo dhinaca bini’aadanimada iyo mid gar gaar la siiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka adag ku jira.

Waxaa uu sidoo kale Sheegay Ciise Rabiic in uu u mahad celinayo Xukuumada Farmaajo iyo sida ay u soo dhaweysay safaarada Liibiya ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in wax dhibaato ah aysan gaari doonin Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Liibiya.

Ugu dambeyntii Safiirka Liibiya u fadhiya Soomaaliya waxaa uu sheegay in xafiiskiisa safaarada Liibiya ee Soomaaliya uu furanyahay islamarkaana uu matalo shacab weynaha reer Liibiya isagoo meesha ka saaray war ka soo baxay dowladda KMG oo lagu sheegay in xafiiskiisa uu xiranyahay wax shaqo ahna aysan ka socon.

Hadalka Safiirka Liibiya u fadhiya Soomaaliya Ciise Rabiic Canshuur ayaa u muuqda mid meesha looga saarayo war shalay ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha xukuumada KMG Max’ed C/laahi Farmaajo oo lagu sheegay in uu safiirku is casilay magangalyo siyasadeedna uu weydiistay dowladda KMG Soomaaliya.

 
 
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News