Thursday, March 17, 2011

Qaxooti Soomaali ah oo ku xayiran Mozambique

Bar-Kulan


March  17, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Ku dhowaad 2 kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku xayiran xero lagu magacaabo Maritaani oo ku taalla duleedka magaalada Nanula oo ah caasimadda 2-aad ee dalka Mozambique.


Maalmihii laga soo gudbay ayaa 7 qof oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida waxay ugu dhinteen cudurro kala duwan, xeradaasi oo ay ka jirto cunto yari iyo hooy la’aan, sida uu Bar-kulan u sheegay suxufi madaxbannaan oo ku sugan xeradaasi.

Qaxootiga Soomaalida ah oo ay xaaladdoodu liidato ayaa halkaasi gaaray 3dii bilood ee laga soo gudbay, kuwaasoo intooda badan la sheegay inay ka soo galeen dhinaca badda, iyagoo u kala socday dalalka Koonfur Afrika iyo Angoola.

Xeradaasi ayaa waxaa sidoo kale ku jira qaxooti u kala dhashay dalalka Itoobiya, Koongo, Barundi iyo Malaawi, kuwaas oo ka soo cararay dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jira dalalkooda.

 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News