Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, March 19, 2011

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Bar-Kulan


March  19, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu maanta halkaasi ka dhacay qarax lala eegtay xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, kaasoo ay ku dhaawacmeen 4 qof.


Qaraxa oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay agagaarka dhismaha warshaddii galleyda oo ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, waxaana dadka dhaawacmay 3 ka mid ah ay ahaayeen ilaaladii la socotay xeer ilaaliyaha.

Gaarigii xeer ilaaliyaha uu la socday ayaa lagu soo warramayaa inuu ku burburay qaraxa, hase yeeshee isaga waxba ma aanay gaarin.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxaasi, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.

 
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News