Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, March 6, 2011

Puntland oo sheegtay in amaan darida Gaalkayo laga soo maleego Koonfurta Soomaaliya

March 06, 2011 Dalkayaga@gmail.com
__________________________________________________________________________________
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska ee maamul goboleedka puntland Gaashaanle sare Muxudiin Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa ka hadlay qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.



Gaashaanle sare Muxudiin Axmed Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska ee maamul goboleedka puntland ayaa sheegay in qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha Gaalkacyo in laga so abaabulo koonfurta Dalka Somalia.

Waxa uu sheegay Taliyaha in arimaha amaan darida ah ee ka dhacaya Gudaha Gaalkacyo ay ka danbeeyaan dad ka soo jeeda dhinaca koonfurta kuwaasi oo uu sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan degaano ka mid ah Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in ay iskaashadaan Ciidamada Galmudug iyo puntland si oo xakameeyo falalka amaanka lidka ku ah.

Hadalka ka soo baxay Taliyaha ayaa imaanaya xili habeen hore uu qarax ka bad baaday taliyaha qeybta booliiska Aadan nuur mana ahan markii ugu horeysay oo taliska Ciidamada Maamulka puntland ay qaraxayada iyo dilalka ay ku eedeeyaan dadka ka soo jeeda koonfurta.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News