Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, March 4, 2011

Maxkamad Maraykan ah oo xabsi daa’in ku xukuntay 3 ruux oo muwaadin Soomaaliyeed ku jiro

March 4, 2011 Dalkayaga@gmail.com ---------------------------------------------------------------------------- Maxkamada magaalada New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 3 ruux oo midkood Soomaali yahay oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo Soomaaliyeed. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Max’ed Aleesa oo 21 sano jir ah ayaa waxaay maxkamadu ku eedeysay inuu xiriir hoose la leeyahay saraakiisha ugu sar sareysa Xarakadda Al-Shabab isla markaana uu doonayay inuu ku biro dagaalyahanadooda sida maxkamadu sheegtay. Maxkamada ayaa Max’ed ku eedeysay inuu dhalinyaro badan ka dhaadhiciyay inay Soomaaliya soo aadaan kadibna ay ku biiraan ragga Alshabaab u dagaalama waxayna maxkamadu ay sheegtay in 2 ruuxa kale ee asna lala xukumay uu asagu ka dhaaciyay inuu Soomaaliya soo aado. Gudoomiyaha Maxkamada New Jersey Raymond Kelly ayaa sheegay in labadaan ruux lagu xukumay xabsi daa’id kadib markii ay ku cadaatay inay qorsheynayeen inay Soomaaliya yimaadaan kadibna ku biiraan Dhaq dhaqaaqa Al-Shabab. Muwaadinkaan iyo labada ruux eel ala xiray ayaa waxaa bishii June ee sanadkii hore laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada New Jersey xilli ay doonayeen inay u soo socdaalaan Soomaaliya kadibna ay ka qeyb qaataan dagaalada u dhaxeeya Al-Shabab iyo dawlada oo garab ka helaysa ciidamada AMISOM. Xabsiyada dalka Maraykanka ayaa waxaa ku jira tiro badan oo Soomaali ah kuwaasoo loo heysto inay xiriir la leeyihiin Xarakadda Shababul Mujaahidiin oo la aaminsan yahay inay Al-Qacida ku xiran yihiin. SMC

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News