Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, March 17, 2011

Wafdi Kasocda Culuma’Udiinka Ahlusuna ee Qaarada Europe oo Gaalkacyo yimid

GMN
March 17, 2011  Dalkayaga@gmail.com
___________________________________________________________________________________

Wafdi Heer sare ah Islamarkaasina uu Hogaaminayey Afhayeenka Culuma Udiinka Ahlusuna Waljamaace ee Qaarada Yurub Sh.Maxamed Xuseen (OWLIYO) ayaa Siweyn Loogu soo dhaweeyey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Wafdiga ayaa Waxaa Qayb ka ahaa Gudoomiyaha isu taga Dhaliyarada Somaliyed ee Ahlusuna Sh.Bille Aadan Dagayr Iyo Xubno kale iyagoo Saxaafada Kula hadlayey Gudaha Garoonka Gaalkacyo Waxay faah faahin kabaxsheen Ujeedada Socdaalkooda
Afhayeenka Ahlusuna ee Qaarada Yurub Sh.Owliyo ayaa Sheegay in ay uyimaadeen sidii ay u xoojin lahaayeen Howlgalada Cuma’Udiinka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe
Sheekh Owliya ayaa U mahadceliyey Maamulada Somaliland Puntland Iyo Galmuudg Isagoo Dhinaca kale Eedayn u jeedshay Dowlada KMG ee Somalia oo Uu ku tilmaamay in ay Fashilaad ku hayso Dadaalada Culuma udiinka Ahlusuna ay ku doonayaan in ay ku tirtiraan Kooxaha Shabaabka
Wafdiga ayaa Kulamo ilaa Caawa Socday La qaatay Mas’uuliyinta Xoogaga Ahlusuna ee Galmudug Waxaana  Lagu wadaa in ay Xoojiyaan Dadaalada ay wadaan Culuma Udiinka ahlusuna ee Gobolada Dhexe










0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News